Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Diiday Inuu Saxiixo Natiijada Doorashada Iyo Afahayeenka Xisbiga Oo Ka Warbixyey Sida Ay Wax U Jiraan (Video)

Afhayeenka Xisbiga Wadani Ibraahim Mahdi (Buubaa) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa Beeniyey War la sheegay in uu ka baxay Telefishinka ERYAL oo lagu sheegay inuu C.raxmaan Ciro Saxiixay Natiijada Doorashada, Islamarkaana Galabta ama Caawa lagu dhowaaqayo.

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka digay in la kiciyo Bulshada, Wuxuuna sheegay in Gacanta lagu hayo Cabashooyinkii Xisbigu u gudbiyey, Wuxuuna Taageerayaasha Xisbiga Wadani ugu baaqey inay Natiijo wanaagsan Rajaynayaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE