Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxweynihii Dowladdii Kumeel Gaarka Aheyd Ee Soomaaliya (Sawiro)

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labadan Mas’uul oo uu wehliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaaleayaa ka wada hadlay xaaladaha kala duwan ee uu maraayo dalka iyo arimaha siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa sida wararka sheegayaan si gaar ah uga wada hadlay caqabadaha dowladda Fedaraalka ka haaysta xaaladaha amniga iyo dagaalka Alshabaab.

Ra;iisalwasaare Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ku aamanay dowrkii uu ka qaatey in Soomaaliya laga saaro marxaladii kumeel gaarka aheyd ee loo gudbo habka fedaraalka.

Waxa kaloo uu sheegey in Sheekh Shariif uu ahaa shakhsi shakhsi wax badan ka qabtey xaaladihii kala duwan ee uu dalka soo marey intii madaxweynaha ka ahaa dowladdii ku meel gaarka aheyd ee dalka jirtey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE