Taliyaha Ciidamada Xoogga Oo Booqdey Saraakiil Iyo Ciidamo Tawabar Ku Qaadanaya Saldhiga Turkiga Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowlada Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE