Warar Sheegaya In Doorashada Somaliland Uu Ku Guuleystey Musharax Xisbiga Kulmi Muuse biixi

Warar lagu kalsoonaan karo oo Warbaahinta Kalshaale.com ay ka helayso magaalada Hargeisa iyo Gudiga doorashada ayaa Xaqiijinaya in Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland uu Noqon doono Muuse Biixi Cabdi.

Qaar kamid ah taageerayaashii Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa dhankooda hada Bilaabay inay sii sheegaan in lagu dhowaaqi doono Guusha Muuse Bixii ka gaadhay doorashada.

Xisbiga Wadani oo loolan adag la galay Kulmiye Islamarkaana horey ugu eedeeyay Wax isdabamarin ayaa wararku sheegayaan in maalmihii ugu dambeeyay la waday Sidii loogu qancin lahaa Natiijada, Sidoo kalana waxaa Jira warar aan la Xaqiijin oo sheegaya in loo celinayo Wadani Lacagtii uga baxday Ololihii doorashada.

Xisbiga Kulmiye ayaa lagu soo waramayaa intii ay doorashadu socotay inuu dhaqaalle ka helay Imaaraadka iyo meelo kale, Waxaana La wada sugayaa wakhtiga ay ku dhowaaqaan Natiijada Gudiga doorashadu.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE