Dawlada Soomaaliya Oo Dalkii Ku Soo Dabaashay Xasilooni Iyo Kasbasho Siyaa Sadeed Oo Dawladaha Aduunku Ku Siiyeen Kalsooni Buuxda W/Q Yuusuf Omar

Dadka soomaaliyeed waxa uu mudo kusoo jiray dhibaato dawlad la aan,kadib markii ay burburtay dawladii dhexe 1991 xiligaas oo dalku galay dagaalo sokeeye.tanaa waxaa ka dhashay in dadkii soomaaliyeed mudo ku dhaw sodon sanadood 30 ku jiraan kalsooni daro iyo jahawareer.waxaa inta badan dadku garan waayaan maxaa dan u ah dalkeena iyo dadkeena? sideen u soo celinaa hanaankii dawladnimo ee aan gacmaheena ku duminay? laguma guulaysan wax dawlad ah oo dalka ku soo dabaasha amaankii iyo kala danbayn tii isku day farabadanse waa jireen.abwaan soomaaliyeed ayaa yiri “MAR UNBAA CURODO KHEEYR QABOO U KACA LA ARKI DOONAYE”

Maalinkii la doortay Muxamed Abdullahi Farmaajo 2.8.2017 waxay soomaaliya u tahay taariikh qorantay oo diiwan gashay; waxaa u baryay waa cusub waxaa u daday hogol roobaad,mahiigaan lagu diirsaday rays iyo xareed.waxaa ka mayrmay umadii soomaaliyeed habaaskii iyo hurgumadii iyo diiftii dawlad la aanta.waxaa shacabkii soomaaliyeed dal iyo dibadba taabtay neecawda saxansaxada dawladnimo iyo hogaankay sugayeen mudadaas ku dhaw sodanka sanadood.waxay heleen hogaamiyihii samata bixin lahaa dalkoodan hodanka ah ee hadaanta kasii dhacaya.waxay dadku heleen hogaamiyihii ayrabeen kaasoo illaahay usoo saaray una hirgaliyay rabitaankoodii.

Dal iyo dawlad nimo waa hogaamiye fiican oo aad hesho quruxdiisu.Madaxwayne FARMAAJO waa nin dagan oo ah hogaamiye u guntan in uu dalkiisa kasaaro dhibaatada wayn ee uu kujiro,waa nin raba in uu isu keeno dadkiisan kala firidhsan ee taladii iyo toowfiiqdiiba ka xuntahay ee ninba meel gaar u taagan yahay isagoo shaki qaba.waa hogaamiye aad u adag leh sabir iyo karti shaqo.waa siyaasi leh aragti fog iyo siyaasad furfuran oo xasiloon dalkana ku soo dabaalaysa amaankii iyo kala danbayntii.Waa Madaxwayne soomaalidu u simantahay wadani ah raba in uu dalka gaar siiyo soomaaliya oo nabad ah sinaata leh diin iyo dhaqankii suubaana ee lagu yaqiin sharcigu shaqeeyo.

Waxa uu xooga saaray in uu marka hore amaanka xaliyo,amaankaas oo markii uu meesha yimid ahaa mid faraha ka baxsanaa oo aysan jirin ciidan qaran iyo hay ado amaan oo soomaaliya leedahay dhab ahaan oo dalka ka shaqeeya.Laakiin waa jireen ciidamo beeloodyo ay leeyihiin niman siyaasiyiin ah iyo ciidamo ay leeyihiin dalal shisheeye soomaaliba ha ahaadeen ee.sida soomaali wada ogsoontahayba meesha majirin ciidan isku dhaf ah oo qaran halkaa ka garo xaalada amaanka. dhanka kale waxaa jira niman afka uduuban yahay oo isugu jira soomaali iyo shisheeye ajinabi ah oo diin ku gabanaya oo mudo aad u dheer dadka soomaaliyeed ku hayay gumaysi iyo gawrac.

Madaxwayne farmaajo waxaa hor istaagay rag siyaasiyiin ah oo u shaqeeya dalal shisheeye oo dalkoodii iyo diintoodii dhaaf saday shilimaan yar kuwaas oo diidan in soomaaliya hesho dawlad shaqaysa,waxayna la shaqeeyaan nimankaa afka duuban iyo cidkastoo diidan dawladnimada soomaaliya.

Madaxwayne farmaajo dal sidaa ah ayuu mudo yar wax kaga badalay,waxa uu ku guulaystay in hay adaha dawliga ah nin walbaa qabsado shaqadiisa,halka dawladihii ka horeeyay waqtigoodu ku dhamaan jiray raysal wasaare iyo madaxwayne lagdamaya iyo baarlamaan u sacaba tumaya oo kala raacsan.Mudane Farmaajo waa madaxwayne yaqaan shaqadiisa iyo raysal wasaaraha shaqadiisa layskumana dhacayo.waxaad halkaa ka fahmaysaa in uu yahay hogaamiye culus oo leh aragti.

Madaxwayne Farmaajo waxa uu sameeyay ciidan u gaar ah nabadaynta caasimada MOGDISHO oo aan hortii wax dhisa la arag wuuna ku guulaystay hubkii sharcidarada ahaa uruurintiisa iyo amaanka magaalada.kama hadlayo in ay dhacdo gaadmooyin argagixiso.markii uu ku guulaystay amaanka mogdisho waxa uu ku xijiyay in uu afduubka cadawga soomaaliyeed ka xoreeyo gobolada dalka oo hada uu in yar mooyee koonfur oo dhan ku guulaystay,oo maanta jidka mogdisho ilaa baydhabo uu furan yahay,marka ilaa baraawe furan yahay.shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe dhulka duurka ah ama howdka ah iyo tuulooyinka oo dhan waa kasifeeyay cadawgii soomaaliyeed.

Jubaland waxa kasacda hawlo ciidanka soomaaliyeed wadaan oo gaba gabo maraya.amaankii markii la arkay sida uu u maareeyay ee uu u dagaalgalay waxaa yaabay caalamkii oo dhan,waana la garab istaagay oo hada hub iyo dhaqaalaba lasiiyay.waxa uu ku guulaystay in uu helo hub culus oo dawladeed cid hor istaagi kartaana majirto.dalkana gacan buu ku dhigayaa hubaashii.

Waxa uu ku guulaystay siyaasad dabacsan oo furfuran iyo daacadnimo markii lagu arkay iyo in uu yahay aamin aan meesha u joogin in uu lacag ka aruursado sidii kuwii hada ka horeeyay in dawladaha carbeed qaraar ku gaareen inay malaayiin dollars ah siiyaan.dawlada turkuguna waxay u balan qaaday in ay ciidanka siinayso hubkii udanbeeyay tababarka ka dib.dawladaha carbeed waxay bixinayaan bilyanis dalkana waa la xasilinayaa.Madaxwaynaheenu waxaa laga arkay waa nin qunyarsocod ah xeel dheer geesi ah waxaad ku garataa geesinimadiisa mawqifka uu ka qaatay dagaalkii dawladaha carbeed dhexdooda oo uu ka istaagay mowqif dhex dhexaad ah.Soomaalida daciifka ah ee kalsoonidii ka tagtay ee raba uun xoogaa shilimaan ah ee aan ku iimaan qabin diintooda,dadkooda,dalkooda ayaa waxay ku waasheen muxuu dhex dhexaad u noqonayaa madaxwaynuhu? waxaa soomaali uroon sucuudiga iyo imaaraadka hadii kale iraaqaday inaga goosan gaajaa nadilaysa!!

Waxay ilaaween in cidina wax ka goosanayn sababtoo ah dhex dhexaadnimada.Maanta waxaad aragtaan in Madaxwaynaheenii wax laga goosto iska dhaaf warkeedaba ee sucuudigu soo siiyay 50 malyuun oo hormarin uun ah iyo biljanis hada lasiinayo!! waxa uu ku helay daganaanta,iimaanka,hogaamiyanimada,daacadnimada,iyo in isaga loo baahan yahay oo carabi u baahantahay in uu ogyahay.waayo dhulkeena ayaa ka qanisan kan carab oo dhan.hadaad daciif iska dhigto daciif la yaso unbaad ahaan waligaaba.

Dawladan hada jirta ee soomaaliyeed waa dawlad ku timid rabida iyo shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba wayna guulaysatay.qaabka ay usocotana waa mid lagu wado dal mudo ahaa dawlad la aan.Dawladu waxay ku guulaysatay in ay sharciga dalka hirgaliso oo baarlamaanku badan kiisii ansixiyay.waxay ku guulaysatay in hay adaha amaanka ay wax ka badasho wayn oo shacabku ku diirsato.waxay qabqaban doontaa oo sharciga horkeenii doontaa dhawaan siyaasiyiinta u adeegaya shisheeyaha ee sirta dalka la taagan mediada ama saxaafada oo ku hadla waxay doonaan oo amaanka dalka khalkhal galinaya,kaasoo ay caado ka dhigteen maadama dalku iska ahaa fawdo iyo jaantaa rogan.

Waxaad arkaysaa dad masuuliyiin ah ama xubno baarlamaan ah oo ku hadlaya arimo qaran dumisnimo ah iyo kicin dad wayne taasoo ah danbi lagu mudaysanayo dil.Dawladina caalamka ma ogola in qof masuul ahi ku hadlo hadalo aan sharciga dalka waafaqsanayn.mana jiri doonto in baarlamaanka qof mooryaan ah oo dhaqan xumi kasii mid ahaado isagoo isu arkaya in uu reer meesha keenay reera u fadhiyo kadibna reer kiisu difaacayaan taasoo aan ahayn nidaamka dawliga ah.reerkastaa haku keeno baarlamaanka laakiin reerku kuuma keenin in aad soomaali u diido dawladnimo oo aad shisheeye u adeegto,waa lagaa tuuri reerkaaguna ma waayin wadani lagugu badalo.

Madaxda iyo labada gole ee soomaaliyeed aqlka sare iyo golaha shacabku waa masuuliyiintii dalka u ahaa muraayada uu iska arkaayay,oo mudan ku dayashada.hadaynoqdaan kuwo aan lahayn edeb iyo anshax iyo wadaniyad suura galmaha in ay taas shacabka baraan oo looga daydo.waxa la rabaa in ay ahaa daan kuwo leh adaab iyo nidaam iyo kala danbay dhexdooda ah iyo talooyin dalka hormarkiisa ah ka doodideed maha xiligii dagaal oo gayasha in la joogo uun.sharcigaa qabanaya cidii xad gudub yar la timaada waana ku shaqa beelaysaa cidaasi.

Dawladaha caalamku waa isku raaceen in la taageero dawladan farmaajo iyo khayre waxaana laga arkay in ay si wanaagsan u maamuleen shilinkii soo galay dawlada lana dirireen musuqmaasuqa.waxaa la arkay siday ugu jiraan dagaalka dalka looga saarayo nabadiidka iyo dawlad diidka iyo afduubka iskaashaday.shacabka soomaaliyeed waxa uu hiil iyo hooba la garabtaagan yahay dawladiisa.waxaana isku duuban dawladii iyo shacabka sida aduunyada kalaba ka jirta ee dalwalbaa uu isugu duuban yahay shacab iyo dawlad si dalkooda u hormariyaan cadawgoodana isaga difaacaan.

Waxaan shaki ku jirin in dalka soomaaliya helay dawlad mudo yar gudahood sugaysa amaanka dalka oo dhan.kadibna u abuuraysa shaqo,waxbarasho,iyo caafimaad si dadka soomaaliyeed u helaan nabad iyo nolol dadlkoodana uugu raaxaystaan iyagoo ah hal dad hal diin iyo hal dal.Waxaa jira dad midabkeena leh,afkeena ku hadlaya soomaali inala ah isku diin aynu nahay dalka inala leh oo hadana raba in aynu ahaano waligeen dawlad la aan dadkeeni sidaa u ahaado baaba,gumaysi ayay jecel yihiin in dalkeenu galo waa cadaw iyagaana inooga xun nin kastoo shisheeya ah.waa in aan kuwaan iska qabanaa inagoo ah dawlad iyo shacab isku duuban.soomaaliya way guulaysatay meel fiican ayaana hada wax inoo marayaan.

Waxaan u mahad celinaynaa illaahay ina siiyay toowfiiqda iyo talada isku duuban ee aan dalkeena iyo diinteena iyo dadkeena ku difaacanayno oo dawladnimadeena ku dhisanayno.Kadib waxaan umahad celinaynaa madaxdeena qiimaha badan ee uu ugu horeeyo Madaxwayne FARMAAJO,KHAYRE iyo golaha wasiirada,labada aqal.Markii illaahay ku siiyo nicmadiisa waa loo shukriyaa,markii aad hesho dawlad fiican iyo hogaan wanaagsan oo kuu shaqeeya waa loo mahad celiyaa maanta illaahay waxa uu ina siiyay soomaaliyeey rag isku xiran oo dalkeena kasaaraya dhibkii daashaday sanooyin iyo dawlad la aantii.waa in aan qirnaa oo u mahad celinaa. dagaalkii DAWLAD DOON IYO DAWLAD DIID waxaa guulaystay DAWLAD DOON.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE