Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo Iscasilay

Madaxweynaha Mudada dheer maamulaayey dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida warbaahinta uu u sheegay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Afhayeen Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe ama cid beenineysa.

Dabaal degyo ayaa ka billowday xarunta baarlamanka kadib dhawaqa uu sameeyey Mudenda. Sharci dejiyayaasha ayaa xarunta baarlamanka u joogay inay mooshin xilka uga qaadaan Mugabe oo 93 sano jir ah, kaasi oo Zimbabwe xukumayey 37 sano.

Mugabe ayaa tan iyo toddobaadkii tagey wajahayey cadaadis ku saabsan inuu iscasilo, markaasi oo milatariga ay la wareegeen xarumaha dowladeed ee ugu muhiimsan, islamarkaana xisbigiisa ZANU-PF ay ugu baaqeen inuu iscasilo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE