Madaxweynaha Oo Maanta Soo Afjaraao Safarka Uu Ku Joogo Imaaraadka

Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho kadib booqosho Labo maalmood qaadatay ee uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Imaaraadka ayaa isku Afgartay inta badan qodobadii ay ka wada hadleyn waxaana la sheegay in Madaxweyaha Soomaaliya loo soo balan qaaday Arimo badan.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay Arimaha amaanka, dhaqaalaha iyo siyaadda waxaana la sheegay in lagu heshiiyay iskaasho dhaqaalo mid Amni iyo xasilooni siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay in laga dul qaado Culees siyaasadeed oo ay Dowladiisa kala kulmayso Imaaraadka gaar ahaan arimo ku saabsan Khilaafkii wadamada Khaliijka.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya u balan qaaday taageero dhinac walba ah sida ay sheegeyn xubno ka mid wafdiga Madaxweynaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE