Munaasabadda Shaacinta Natiijada Cod Bixintii Doorashada Somaliland Oo Hadda Socota Iyo Bahda Warfidyeenka Oo Ku Sugan Madasha (Sawiro)

Waxaa hada magaalada Hargeysa ka socota Qaban-qaabada Munaasibad lagu shaacin doono Natiijada Doorashadii ka qabsoontay Somaliland, Iyadoona Halkaasi lagu shaacin doono madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Siilaanyo.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay sheegeen Guddiga Doorashadu in dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay magaalooyinka Hargeysa iyo Gibiley, waxayna intaasi kadib isku raaceen in la shaaciyo Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Warbaahinta iyo Xubno kale ayaa hada ku sugan Madasha Looga dhowaaqi doono Musharaxa guulaystay, Waxaana arintaan kusoo aadaysaa iyadoo Gudoomiyaha Xisbiga wadani uu sheegay inuu Qaadacay Natiijo kasta oo kasoo baxda Gudiga doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE