Natiijada Cod Bixinta Doorashada Somaliland Oo Lagu Dhawaaqayo Iyo Xisbiga Wadani Oo Meel Agad Iska Taagey Natiijo Kasta Oo Soo Baxda

Waxaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Deegaanada  Somaliland, iyadoo Guddiga doorashooyinka la filayo in uu ku dhawaaqo natiijada Saacadaha Sooc socda, taasi oo lagu shaacinayo madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo oo todobadii sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne ka ahaa Somaliland.

Guddiga Doorashada ayaa sheegaya in dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibiley, waxayna intaasi ku dareen in markan laga sugaayo ku dhawaaqidda Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha.

Waxaa si weyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada, Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada, hase ahaate maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga Wadani uu eedeymo u jeediyay Guggiga doorashada.

Musharaxiinta sida aadka ah uu uga dhaxeeyo loolanka Doorashada ayaa kala ah Muuse Biixi Xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Cirro oo Xisbiga Wadani ah.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in doorashada uu kusoo baxey Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, taas oo la aaminsanyahay in ay keentey tuhun lasoo dersey Xisbiga Wadani.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE