Wadanka Kuuriyada Waqooyi Oo Lagu Darey Dalalka Taageero Siiyo Kooxaha Argagaxisada

Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay wadanka Kuuriyada Waqooyi ku dartay diiwaanka dalalka taageera Argagaxisada.

Go’aankan ayaa waxaa Isniintii shalay ku dhawaaqay Donald Trump furitaankii kulanka golaha Wasiirada, wuxuuna sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay cadaadiska xoogan oo ay saarayaan dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa ku hanjabey in labada labada todobaad ee soo socda la shaacin doono cunaqabateyn horleh oo la saari doono dalkaasi.

Maraykanka ayaa horey sidan oo kale dalka Kuuriyada Waqooyi ugu daray wadamada ay u aqoonsan yihiin inay maalgeliyaan ama taageeraan argagaxisada, balse Madaxweynihii hore ee George W Bush ayaa listigaasi laga saaray Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2008.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE