Boqolaal Maleeshiyaad Oo Alshabaab Ah Oo Ku Le’dey Duqeymo Ka Dhacey Gobolka Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la beegsadeen xero tababar oo ururka Alshabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka Warfaafinta Federaalka C/raxmaan Yariisow ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Ururka Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga imaan jiray ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE