Dagaal Culus Oo U Dhaxeeya Maleeshiyada Alshabaab Iyo Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacey Gobolka Shabeelada Hoose

Dagaal culus oo u dhaxceeya Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa maanta xilliga duhuradii waxa uu ka dhacay deegaan duleedka kaga began degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida ay wararka sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Maleeshiyada Wadada u galeen Kolanyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo markaas kasoo baxey Degmada Baraawe, waxaana ay kusii jeedeen dhinaca Buulomareer.

Waraka ayaa tilmamaaya in dagaal culud labad dhinac halkaas uu ku dhaxmarey, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan halka uu ka dhacay dagaalka oo ah deegaanka Roobow uu ka dhashay khasaare xoogan oo labada dhinac soo gaarey.

Dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in dagaalka leysku adeegsadey hubka culus sida kuwa ku xiraan gaadiida Tawga iyo qoyaha kale ee garbaha laga tuuro, waxaana alshababa dhinaceeda ay adeegsadeen qorayaha RPG-ga iyo rasaa kale.

Inkasto aan la xaqiijin khasaaraha dagaalka ka dhashey hadana waxa lasoo sheegayaa in khasaare aan xadidney ay labada dhinac la kulmeen.

Maalinnimadoo shalay ayaa dagaal kale waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo naagey, dagaalkaas oo Alshabaab wada ay u galeen Kolonyo Ciidan oo kusii jeedey Afgooye ayaa leysla tagey ilaa deexda bari, waxaana Alshabaab ay la kulmeen iska caabin xoog badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE