Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Maanta Gaarey Magaalada Baydhabo (Sawiro)

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Ra’iisalwasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaana halkaas kulamo kula leeyihiin Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira shirka Golaha Wasiirada oo maalinta berri lagu wado in uu ka dhico magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, waxaana shirkii u horeeyay bilo ka hor Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE