Sidu U Dhacey Dilka Xildhibaanka Ka Tirsanaa Galmudug Ee Maanta Lagu Toogtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtey Xildhibaan ka tirsanaa Maamulka Galmudug.

Maxamed Cabdi Guuleed oo ku geeriyoodey rasaasta ilaalada ay soo rideen ayaa la sheegayaa in gaari uu watey uu gadaal kaga dhuftey Gaariga kale ee Xildhibaan Abukaate.

Xildhibaanka Ilaaladiisa dilka geysteen ayaa sheegay inta dilka uusan dhicn ka hor Xildhibaanka la dili doono lagu amrey in Gaariga uu watey aanu usoo dhaweyni hase ahaatee uu tilmaamey in amarkaas uu ka amdax adeegay.

Sidoo kale Xildhibaan Abukaate oo sii sharaxayey dilka Xildhibaanka Galmudug ayaa hadalkiisa intaa raaciyey Iilaaladiisa ay la kulmeen Bistoolad uu lasoo baxey Xildhibaanka Geeriyoodey, sidaasna uu dilka uu ku dhacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE