Awoodii Labaad Ee Kooxda Shabaab Oo Gorgortan Kula Jirta Dowladda Kenya Iyo Kooxda Oo Bubur Qarka U Saaran (Warbixin)

Warbaahinta dalka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay baahinayey warar sheegaya in khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay hogaamiyaha kooxda Kenyaanka ee ka tirsan Al Shabaab Ahmed Iman iyo Madaxda sare ee Al Shabaab.

Arrintan ayaa la xariirta dilalka ay kooxda Al Shabaab la beegsatay qaar kamid ah maleeshiyaadka kasoo jeeda dalka Kenya oo ay Aminyaatka Al Shabaab ku eedeeyeen inay yihiin basaasiin.

Kooxda Al Shabaab ayaa lagu yaqaan inay dilaan qaar kamid ah maleeshiyaadkooda ajaanibta ah, mar walba oo ay khasaaro kala kulmaan duqeynta diyaaradaha Maraykanka ee sida joogtada ah u weerara dhulka Al Shabaab ku sugan tahay ee koonfurta Soomaaliya.

Ahmed Iman oo hogaamiya kooxda la baxday [Jaysh Ayman] oo asal ahaan kasoo jeeda Kenya ayaa la sheegay inuu si weyn uga xumaaday qaar kamid ah raggiis oo ay kooxda Al Shabaab dishay, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu ninkaasi hada gorgortan kula jiro dowlada Kenya inuu isaga baxo kooxda Al shabaab.

Ninkan ayaa caan ku ah muuqaalada uu kasoo diri jiray koonfurta Soomaaliya iyo filimaanta ay baahin jirtay warbaahinta Al Shabaab ee ku aadan dalka Kenya, isagoo luuqada Swahili kusoo jiidan jiray Muslimiinta ka careysan falalka ay dowlada Kenya ka geysato dhulka xeebta saaran ee bariga dalkaasi Kenya.

Kooxda Kenyaanka ah ee ka tirsan Al Shabaab ayaa ah kooxda labaad ee ugu badan maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, waana ajaanibta ugu badan ee hada kooxdaasi kamid ah.

Horey ayey Ajaanib badan oo dalal kale ka yimid isaga baxeen Al Shabaab kadib markii qaarkood xabsiga uu dhigay hogaamiyihii hore Axmed Godane iyo dilal loo geystay qaar kamid ah ajaanibtii ka timid reer Galbeedka sida ninkii la baxay Al Amriki.

Khilaafkaasi la xariira sida loola macaamilo maleeshiyaadka Ajaanibta ah ee Al shabaab dhexdeeda looga yaqaan “Mujaahiriinta” ayaa ahaa kii keenay inay isku dhacaan hogaamiyihii hore ee Al shabaab, Axmed Godane iyo hogaamiyayaashii kale ee kamid ahaa kooxdaasi sida Ibrahim Afghani, Mukhtaar Robow iyo Xassan Daahir Aweys. Kuwaasi oo waraaqo cabsho ah u qoray Hogaamiyahooda Sare ee Al Qacida, Al Zawahiri iyagoo uga cabanaya gabood falada Godane u geysto maleeshiyaadka ajaanibta ah.

Waana mida soo dadajisay in Godane ka takhaluso Ibrahim Afghani, walow ay baxsadeen Mukhtaar Robow iyo Xassan Daahir Aweys oo hada ku sugan Muqdisho.

Hadii kooxda Kenyaanka ah isaga baxaan Al Shabaab ayaa waxaa hubaal ah inay si weyn hoose ugu dhici doonto awooda militari ee maleeshiyaadkaasi gaar ahaan kuwooda weerarada ka geystay deegaanada saaran xaduuda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya soona dadajin karta burburka kooxda Al Shabaab oo hada dhibaato weyn ka heysato in badan oo kamid ah hogaamiyayaashooda oo lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE