Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Waxaa maanta Khamiis ah magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad siday Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa noqoneysa kii ugu horeeyey ee ku yimaado Caasiamdda Soomaaliya, Waxaana la filayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE