Hogaamiyihii Kooxda Alshabaab Ee Buuraleyda Galgala Oo Dowladda Sacuudiga Ku Dartey Liiska Argagaxisada

Warar lagu baahiyey wakalaadda Wararka ee dalka Boqortooyada Sacuudiga SPA ayaa lagu sheegay in Xuladafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee go’doomiyey dowladda Qadar ay xayiraad dheeraad ah saareen Ururo islaami ah iyo shakhsiyaad ay ku eedeeyeen inay taageeraan argagaxida.

Shashsiyaadka xayiraadda lagu rogey ayaa waxa ka mid ah Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Saciid Atam oo ahaa hogaamiyihii kooxda Alshabaab ee buuraha Gobolka Barai ee Puntland.

Dadka Xayiraadda dheeraadka ah lagu soo rogey ayaa gaaraya ilaa 11 qofood oo uu ku jiro Sheekh Maxamed Saciid oo sanadkii 2014-kii isku dhiibey dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxameed, isla xilligaas ayaa waxa loo duuliyey dalka Qadar oo megengelyo siiyey.

Sdii kale Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegey in laga digaayo shakhsiyaadka xayiraadda la saarey iyo Ururada lala xiriiyey kooxaha argagaxisada ah.

Dowladda Soomaaliya oo dowr dhex dhexaadnimo ka qaadatey arimaha ku saabsan xiisadaha khaliijka ayaan weli wax war ah kasoo saarin warkan cusub ee sheegaya in shakhsiyaadka argagaxisada ah lagu darey Sheekh Maxamed Saciid Atam.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE