Ku Dhawaad Toban Qof Oo U Badan Muruq Maalato Oo Lagu Laayey Duleedka Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno duleedka magaalada Xeebeedda Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in halkaas lagu laayey dad shacab ah oo u badan muruq maalato.

Ku Dhawaad Toban qof oo xoogooda ku shaqeysanaayey ayaa warar aan heleyno ay  sheegayaan in rasaas lagu asqeeyey xilli dadkaas la sheegey inay ka shaqeenayeen wado uu ka baxay Geedka Soomaalida u taqaan Geed Yahuud ama Cali Garoob.

Dadkan ayaa sida naloo xaqiiyey u shaqeenaayey NGO ka shaqeeya arimaha beeraha, kaas oo shaqa geliyey dad gaaraya ilaa 15 qof, si ay uga shaqeystaan Jaridda Geedaha xirey wadooyinka ee Cali Garoobka.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa si saf mar ah rasaas ugu furey dadkan oo xilliga la rasaaseen doono ku jirey shaqada jaridda Geed yahuudka, waxaana dhacdadaan ay ka dhacdey deegaanka Mudul Baraawe ee wax yar u jirta Magaaladda Baraawe.

Sida dad goob joogayaal ay noo xaqiijiyeen Maleeshiyada Baraawe ee halka ay ku laayeen Shacabka ku yimid si dhuumaaleysi ah, ka hor inta aanaya rasaata furin ayaa goobta waxay ka istaageen dhamaan koonaha iyagoo shacabka u diidey inay ka baxsadaan rasaasta.

Ilaa Todoba qof ayaa la xaqiijiey in ay goob noqdeen oo isla goobtaas ay ku geeriyoodeen halka dhaawaca uu intaas ka badan oo meelo kala duwan rasaata ay ka haleeshey.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE