Maamul Goboleedka Galmudug Oo War Kasoo Saarey Xildhibaanka Looga Dilay Magaalada Muqdisho

Warsaxaafadeed kaso baxay maamulka Galmudug, ayaa tacsi loogu diray Ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed Madoobe oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa dalbatay in Cadaalad la horkeeno gacan ku dhiiglaha ka dambeeya dilka Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed.

 ”Dawlad goboleedka Galmudug waxay ugu baaqaysaa dawlada Federaalka Soomaaliya inay baaritaan ka samayso soona qabato cidii falkan uu Marxuunku ku dhintay Cadalaadana la horkeeno” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kaso baxay Galmudug.

Sida ay cadaysay Galmudug wali dawlada maso qaban gacan ku dhiiglaha dilay Marxuumka, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay Illaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE