Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Magaalada Baydhabo Ka Sheegey In Ciidamada Xoogga Ay Isku Furi Doonaan Wadooyinka Muqdisho Iyo Baydhabo (Video)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhowaan Cidiamada qalabka sida ay bilaabi doonaan howl gal la isugu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Hadalkan ayuu xalay Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo uu kula hadlayay Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sugida ammaanka iyo sidii kooxaha nabad diidka looga xoreyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada qaar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE