Raysalwasaarihii Lubnaan Ee Xilka Iska Casilay Oo Go’aan Adag Qaatey Ka Dib Markii Uu Dibn Ugu Laabtey Dalkiisa

Raysalwasaaraha dalka Lubnaan Saad Hariri ayaa sheegay inuu aqbalay codsiga Madaxweynaha Lubnaan oo ah inuu sii hayo xilkiisa si loo xoojiyo midnimada wadankaasi.

Saad Hariri ayaa 4tii bishan November dalka Sacuudiga uga dhawaaqay inuu xilka iska casilay, walow la sheegay in arrintaasi ay ku cadaadisay Boqortooyada Sacuudiga oo ka careysan xiriirka wanaagsan oo uu Hariri la sameystay Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah oo xubno kuleh Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Lubnaan.

Hariri ayaa Salaasadii dib ugu noqday wadankiisa kadib in ka badan labo todobaad oo uu ku sugnaa Sacuudiga, waxayna dad badan aaminsan yihiin inay halkaasi ku xanibtay dowlada Sacuudiga. Saad Hariri ayaa kahor intuusan Lubnaan ku noqon Sabtidii booqasho ku tagay dalka France oo uu casumaad ka helay, Madaxweynaha France ayaa waday dadaal lagu xalinayo xiisada Lubnaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE