Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaare Geystey Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xaruna gobolka Mudug ayaa sheegaya in suuqa magaaladaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay Suuqa magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaan Cirtoogte, waxaana dagaalka uu ka dhashay sida aan Wararka ku helnay dhismo Bakhaar oo labada dhinac ay ku murmeen.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dagaalka ku dhintay labo qof oo kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana wali lasoo sheegayaa in ay jirto xiisad mararka qaarna la maqlayo rasaas goos goos ah.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ay kasoo jeedaan Maleeshiyaadka dagaalamay ayaan wali ka hadlin dagaalka dhacay, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in ay socdaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisada taagan.

Maleeshiyaad iyo ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaaladan noqdeen kuwa kusoo noq noqda Gaalkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE