Halkee Lagu Haayaa Amiirada Iyo Maal Qabeenada Uu Xirey Boqorka Sacduudiga, Yaase Baaraya Dembiga Lagu Eedeeyey (Sawiro)

Wararka ka imanaya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegaya in inta badan amiirada iyo maalqabeenadii la xirey horaantii bishii hore ay haatan doonayaan inay gorgortan ka galaan sidii ay u soo celin lahaayeen malaayiin dollar ayna u heli lahaayeen xoriyadooda.

Amiiradan iyo maalqabeenadan oo ku xiran Hotel weyn oo ku yaal bartamaha magaalada Riyadh ayaa la sheegay in ay su’aalo weydiinayaan saraakiil American ah oo ka socda shirkado gaar loo leeyahay.

Inkabadan labo boqol oo ruux oo isugu jira amiiro iyo maalqabeeno ayaa ku xiran hotelka Tirz Carlton iyadoo dhowaan weriye ka tirsan BBcda loo oggolaaday inay gudaha u gasho.

Hase yeeshee sida uu wargeyska DailyMail ka soo xigtey qof ku dhowdhow qoyska reer boqor maxaabiista ku jirta hotelka xabsiga loo bedelay ayaa waxaa su’aalo weydiiya rag Maraykan ah oo uu soo kireysay Amiir Salman kuwaasoo u shaqeeya shirkadda Blackwater,hase yeeshee shirkada Blackwater ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay maxaabiista gaaraya labada boqol ee ku xiran magaalada Riyadh.

Hotelka xabsiga loo bedelay oo la dejiyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xilli uu booqasho ku joogay Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa waxaa banaankiisa ku sugan ciidamo gaar ah oo ku hubeysan gaadiidka qafilan waxaana la sheegay inay yihiin ciidamo gaar u ah Amiirka dhaxalka leh ee boqortoyada Sacudi Carabiya Amir Salman.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE