Somaliland Waxaa Saaran Waa Jib Ah In Ay Bad Baadiso Qarankii Soomaaliyeed Ee Dawlad La`Aan Burbursan 3o Sanadood W/Q Yuusuf Omar

Ugu horayn waxaan hanbalyo u dirayaa dawlada iyo shacabka somaliland ee quruxda badan.waxaan ku xijinayaa labada xisbi ee wadani iyo ucid hogaamiya yaashooda Mudane Ciro iyo Mudane Faysal oo muu jiyay wadaniyad soomaalinimo dulqaad iyo tanaasul ah ogolaansho in laga adkaaday sababta looga guulaystay haba noqoto waxay doonto;balse waxaa raganimo ah ragaasi maanta leeyihiin inay aqbaleen hadala aysan galin natiijadii doorashada iyo cida guulaysatay.Waxa rag isku dhaaf waa tan.waxaan leeyahay waa mahad santihiin saaxiibayaal.Ugu danbayn waxaan u hanbalyay nayaa Madaxwayne Muuse biixi oo calaf u yeeshay in uu noqdo madaxwaynaha somaaliland oo ku guulaystay doorashadii qiimaha badan lahayd ee ka dhacday dawlada somaliland.Waxa uu ku mahad san yahay in uu fahmay in xisbiyadii laga guulaystay iyo kii gulaystayba uu garbaha soo gashado oo loo wada shaqeeyo dawlada soomaaliland iyadoo saaxiibo lawada yahay hada.

Hadaan intaa uuga haro hanbalyada iyo guusha somaliland ee aan ku faanayno ka soomaali ahaan.Waxaan idiin qirayaa in aad tihiin dadkii shalay markii aynu iska saaray gumaysigii INGIRIIS IYO TALYAANI idinkoo ah beelaha soomaaliyeed ee dagan waqooyi galbeed oo u wada dhan talada aad markaad xoroowdeen kusoo biirteen gobolada koonfurta soomaaliya oo aad mogdisho timaadeen sababteena is raacii labadii xorowday waadna ku amaanan tihiin arin waajib ahaa ayaad siduu ahaa u gudateen.

Marlabaad markii burburkii dhacayna waxaad dhisateen maamul idinkoo ku dhaqmaya xeerka iyo dhaqanka soojireenka ah ee soomaaliyeed ee aad leedihiin oo kamaran fikoro iyo dhaqamo shisheeye.dhaqanka suuban ee soo jireenka ah ee geedka hoostiisa ah ayaa ahba dimuqraadiyada caalamka uugu fiican soomaali ayaana leh.waxaad ku mahad santihiin in aad ku dhagan tihiin dhaqankiinee ab iyo awoow laga soo gaarka ahaa.nin maha wax jirana maha nin dhaqankiisii wax ku dhisan waayay ama dayacay oo shisheeye raac iska noqday.

Waxaad dhisateen idinkoo u dhan beelaha soomaaliland dawlad waloow aana in kirsanayn in beelaha maakhir iyo khaatumo iyo awdal wax tabanayaan hadana iskuma dhacdaan si ba an oo waxaad leedihiin istix galin iyo dhaqan idinkala celiya oo soo jireen ah.dawlada aad dhisteen idinkiina waa idin anfacday ood ku bad baadeen manshaa allaah dadkii soomaaliyeed intii idin timidna waa bad baadiseen waana guul.

Hadaba waxaan farayaa arimo muhiim aan u arko oo iga talo ah somaliland dawladeeda iyo shacabkeedaba.1.Waxaad tix galin iyo qiimo muuqda siisaan culimada somaliland. waayo?akhlaaqda bulshada iimaankooda iyo caqiidadooda ayay dhisayaan,ogoowna qofku nolashiisu qiimo wayn masii yeelanayso maalkasta iyo aqoon maadi oo kasta haduu yeesho haduusan lahayn akhlaaq wanaagsan,taa macnaheedu waxaa weeye iskaba daa nolasha danbe iyo aakhiro ee aduunkuusan qofku yeelanay macno iyo hormar toona.Hadaba labada daaroodba tan hada aduunka ah iyo tan aakhiraba waxaa anfacaya dana ah in qofku yeesho akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan.hadaba dawladana danbaa uugu jirta inay xukunto shacab akhlaaq leh oo dhisan.markaa culimada diinta iyo dawladu waa inay ahaadaan ul iyo diirkeed.Aduunka maanta lagu jiraa waa mid gaalo iyo muslimba bulshada la fasaadinayo oo u baahan in shacabka loo guntado hala ilaaliyo.

2.In afkeenii hooyo ee lahaa gabayada,maah maahyada,suugaanta,ee qaniga ahaa la dabaqabto oo la bad baadiyo.umad aan afkeeda hodan ka ahayn uusan u qornayn aan ku ababin ubadkeeda way dabar go daa oo tiran taa.waayo?afku waa jiritaanka dhaqameed ee qofka kolkaa macnuhu maha markaan dabar go leeyahay in dadkeenii dhamaanayo ee waxaan u jeedaa way jirayaan iyagoo ninkale afkii xanbaarsan oo doorsoomay.qofkii waa soomaali laakiin afkii hooyo kalmad ma soo roganayo afkale ayuu ku hadlayaa macnaheedu waxa uu yahay uun dadkaa uu la afka yahay.waxaa garab socota afkaaga hooyo ayaa cilmi looga bogan karaa.

waxaa lasocota arinkaan dhaqankii oo soo hoos galaya uun afka.kolkaa waa in aynu iskula way naanaa dhaqankeena,haday tahay af iyo haday tahay huga la xirto oo ilaashanaa afkeena iyo dhaqankeena.

3.Madaxda dawlada soomaaliland iyo shacabkaba waxaa laydiinka fadhiyaa in aad wax ka qabataan dalkeena soomaaliyeed ee haadanta kasii dhacaya ee aan lahayn dawlad mudo 30 sanadood ah.madiidayo in lasameeyay isku dayo lakiin laguma guulaysan dawlad shaqaysa.waxaan sidaa u leeyahay idinku maanta hormuud baad u tihiin umadii soomaaliyeed xaga dawlad nimada iyo maamulka idinkoo muu jiyay oo na tusay hanaan dimuqraadi ah oo nin walbaa codkiisii dhibtay isagoo aan cidina qasbayn oo xor ah ciduu dan moodayna ku doortay.waxay ilatahay in aad keentaan xal si loo bad baadiyo dalkan baa ba ay ee sida xun ukala jajabay ee ninba waran meel cidla ah la taagan yahay ee uu u haysto walaalkii.

Waxaan idinka cod sanayaa in aad si dalka loo dajiyo caasimada rartaan oo agtiina gaysaan wakaa xalku.waxaad ogtihiin in wax rajo u eg xataa oo kasoo naasacad koonfur aysan jirin,koonfurna way is ogtahay in aysan dawladi ku shaqayn karin mogdisho.waxaan meel iska dhigay khiyaaliga iyo nacas nimada foosha xun oo ah in qabyaalad loo fakaro qarana la in kiro,in la noolaado nolosha xayawaanka duur joogta ah oo kale oo la ahaado uun dawlad la aan,in layiraahdo somaliland dawlad maha iyo ma gu i kartaan,in layiraahdo caasimada maba aha wax la badali karo oo waa tiir diini ah iyadoo la in kirayo oo shalayba soow cod soomaaliyeed uun kuma noqon caasimad oo arinku heshiis uun maha,waxaan iska diidayaa in soomaaliya laga waayo rag u kaca iyo hindise fikir cusub oo xalkeena.

Hadaba kuwa niyada jabsan ee aan lahayn hal adayga iyo raganimada ayaa arintani la culustahay.anigu xalkii baan abaarayaa nin taah taahaya iyo wax magarato qabiil uun dawarin warkeed ayaan ka baxay. waxaan ogahay in soomaaliya laga rabo uun hal madaxwayne,hal dawlad,hal caasimad markaa Adeerayaaloow in waqti la dhumiyaa dan soomaaliyeed maha.hadaad i fahanteen waxaan arkaa in maanta somaliland ay bad baadinkarto marlabaad soomaaliya.midna anaa idiin balan qaadiyoo suura gal noqon mayso mana dhacayso in laydinka diido inaad caasimada soo rartaan keentaan CEERGAABO oo ah balad ku haboon si aad u bad baadisan soomaaliya oo dhan iyo in koonfuri tiraahdo somaliland ma gu i karaysaan oo dawladnimo kuuma ogoli waayo waan ku doonayaa oo walaalkay soomaaliyeed baa tahay kalamana maarano meel islama gali karaan.Labadan in aad mid heshaan waa khasab aan cidna laga baryaynin.

Adeer wadaniyada iyo soomaalinimadu maha wax lagu ciyaari karayo,waa in aan soo ceshanaa sharafkeenii soomaalinimo iyo dawladnimadii waa in aan noqonaa dad iyo dal jira.waa in aan dalkeenan hodanka ah utalinaa oo ka faa iidaysanaa waxa nicmo illaahay dhigay dushiisa iyo hoostiisaba.caqligalmaha in nus qarni lataagnaado uun qabyaalad aan waxba ku fadhiyin oo diintu inooga digtay oo hoog ah iyo siyaasiyiin aragti liita oo iibsanaya diinta dadka iyo dalkaba in aan sidan ku jiraa damiir maha.somaliland in ay sidan ogolaato dawmaha.Runtuna waxaa weeye soomaaliya waa isku diin isku dad isku diir sidaa daraadeed waa in laxaliyaa oo rag inoo kacaa. reer hebal ayaa waxaa diiday iyo hebel baan ogolayn uga tagi mayno xalka dalkeena soomaaliyeed.

GUNAANAD KII IYO GABA GABADII

3 daa masalo oo laba fulinteeda aysan u baahnayn kulan badan iyo mida u danbaysa oo ah xalka soomaaliya iyo in lagu soo dabaalo dawladnimo buuxda oo shaqaysa oo dalka oo dhan hanata aduunkuna citiraafo si buuxda qaabkaad ku keeni lahaydeen ayaa laydiinka fadhiyaa ee u shir iyo fadhi badsada dalkana caymiya.Adeer “waxaan la hurayn horaa loo yeelaa” Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan caalamka oo dhan ayaa markhaati idiin ah hadaad tihiin somaliland in aad samayn kartaan dawlad ah dimiquraadi nidaam iyo kala danbayn markaa ma garanayo waxaad sugaysaan!! waxaa idin ogol soomaali iyo caalamkiiba maanta oo idinku garab istaagi cayminta iyo xal u helida dalka soomaaliya.fursad waliba mar bay kusoo martaa maha joogto war yaan la ilduufin maantay taagan tahaye.Adeer weel wayn baa illaahay lagu baryaa war hankiina sare u qaada lamakala maarmayee.

Waxaan ahay nin runta u sheega naftiisa anoo aan in kirsanayn wanaagaa ay dawlado caalamka ah uuga horayso somaliland marka laga hadlayo dawladnimada iyo maamulka,anoo aan in kirsanayn in mogdisho uu fadhiyo madaxwayne fadaraal ah oo soomaaliya,anoo aan in kirsanayn in puntland leedahay dawlad goboleed,anoo aan in kirsanayn in jubaland leedahay dawlad goboleed anoo aan in kirsanayn in koonfur galbeed leedahay maamul goboleed anoo aan in kirsanayn in hirshabeele leedahay dawlad goboleed,anoo aan in kirsanayn in gal mudug leedahay maamul goboleed ayaa waxa ina horyaala dhabta oo ah dalkeenu waxa uu dawlad la aan yahay ku dhawaad sodon sanadood 30.dawlad dalka soomaaliyeed waxaa u danbaysay 1991 dawladii xiligaa burburtay. suaasha ayaa ah soomaaliyeey sideen ku aqbalay in mudadaas dheer ahaano dawlad la aan kuwo kunool? maxaynu kaga duwanahay xayawaanka duurka ku nool? waa wax laga xishoodo iyo gunimo heerkii u hooseeyay in aan iska noolaano uun oo aqbalo dawlad la aan sida dugaaga duurku noosha ah.waxay ilatahay in aynu dib isugu noqono walaalayaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE