Dhageyso Cadaaladda Darada Weli Jirta, Madaxweyne Farmaajo Iska Indha Tirey Kiiska Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda Fedaraalka iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa ka shirey kiiska Wasir Cabaas Sheekh Siraaji oo si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho.

Xubnahan kulanka yeeshay ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu iska indha tirey fulinta xukunka Gacan ku dhiiglihii dilay Wasiir Cabaas, kaas laba mar lagu xukumay xukun dil ah si looga oofiyo qisaasta Marxuumka geeriyoodey.

Ehealada Marxuumka ayaa dalbadey in cadaaladda la hor keeno Gacan ku dhiiglaha si loogu fuliyo xukunkii uu muteystey, waxaana taas lagu eedeeyey in uu hor istaagey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE