Iska Hor Imaad U Hor Imaad U Dhaxeeya Ciidamada NISA Iyo Maleeshiyaad Hubeysan Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho

Barqanimadii maanta ayaa weerar hubeysan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho wuxuu ku dhex marey Ciidamada Nabad sugidda NISA iyo Maleeshiyaad kale oo ku labisnaa dareeska Ciidamada Milateriga.

Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib  markii maleeshiyaadka hubeysan ay baad iyo handadaa ugu tageen qoys ku dhaqnaa Degmada Waaberi, waxaana arintaas ku baxey Ciidamada NiSAoo mar dambe ka war helay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka aya gacanta ku dhigeen ilaa shan nin oo ka mid ah maleeshiyaadka iska hor imaad uu dhex marey, iyadoo shantaas nin la sheegayo in laba ka mid ah ay qabaan dhaawac soo gaarey.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in iska hor imaadka Ciidamada amaanka uu ka baxsadey hal Nin oo ka mid ahaa kooxaha hubeysan, halka shanta kale iyo hubkooda gacanta lagu dhigay.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya raga la qabtay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya, waxaana baad iyo handadaad ay ku haayeen qaar ka mid ah guryaha Shacabka ee degmada Waaberi ku yaalla.

Maamulka Degmada Waaberi oo gaarey halka is rasaaseynta ay ka dhacdey oo ku dhow xarunta degmada ayaa halkaasi gaarey, isagoo faafaahin ka bixiyey waxa keenay israsaaseynta degmada gudaheeda ka dhacdey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE