Mid Ka Mid Ah Amniyaadka Kooxda Alshabaab Oo Lagu Qaraarijiyey Magaalada Marka

Ciidamada amaanka ee magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxay qaarijyeen mid ka mid ah amniyaadka maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Askarigan oo ka shaqeeya howlaha basaaska iyo Madax jabinta ayaa in muddo ah waxa ku raad joogey Ciidamada, waxaana markii dambe lagu qaarijiyey howlgal qorsheysan oo ciidamada ay fuliyeen.

Mid ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa Ciidamada waxay ka sameeyeen howlgal, iyadoo ujeedku ahaa in lasoo qabto Ninkan oo lala socdey dhaq dhaqaaqiisa iyo shaqooyinka uu qabto hase ahaatee markii guriga loogu tagay ayuu isku dayey in uu dagaalamo waxaana markii dambe haleeshay xabadihii lagu ridey.

Maamulka magaalada Marka ayaa hambalyeey howlgalkan, waxaana uu sheegay in la abaal marin doono Ciidanka sida geesimada leh u qaadey howlgalka ay umada uga hor istaageen dhagarta Ninkaas la toogtey.

Dhinaca kale Maamulka iyo saraakiisha amaanka ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono magaciisa iyo macluumaad kale oo ay haayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE