Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Lagu Eedeeyey Inay La Shaqeeyaan Maleeshiyada Alshababa (Xog)

Xilli la qorsheenayo in weeraro lagu qaado deegaanada ay maamulaan Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab ayaa waxa soo baxaya tuhunno kala duwan oo la xiriira daacad ahaanshaha qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada xoogga.

Warar la helay ayaa sheegaya in saraakiisha qaar ee ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ay xiriir dhow la leeyihiin horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Saaxiibada la ah.

Tuhunkan ayaa yimid ka gadaal markii laga war helay in Shabaab loo gudbiyey hub iyo saanad kale oo ay ku howl galaayeen Ciidamada xoogga, waxaa taasi sii dheer in Alshabaab ay si dhow ula socdaan howlgallada iyo diyaar garowga Ciidamada ay ku doonayaan inay kula wareegaan goobaha ay shabaabku maamulaan.

Sidoo kale waxa jira arimo kala duwan oo cadeymo u ah xiriirka Alshabaab iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga , iyadoo marar badan Shabaab loo fududeeyey inay qaataan Gaadiid dagaal iyo hub yiilay Xeryada qaar ee ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose iyo meelo kale.

Waxa laga xusi karaa weeraro dhowr oo ka dhacay Xerada Laanta buuro oo Alshabaab marar badan ay ku qaateen Gaadiid Milateri iyo hub, baaritaano la smeeyey ayaa lagu ogaadey in tuhunkaas uu jiro hase ahaatee aan weli lasaoo bandhighin.

Weerarada Alshabaab ay ku qaadaan saldhigyada Ciidamada Milateriga ayaa inta badan waxa ku dhamaada askarta Soomaalida ah, waxaana  la qaataa hub iyo Gaadiid, laakin inta badan waxa aad u yar in weeraradaas ay ku dhintaas Saraakiil.

Xilligan oo la qorshenayo weerarada Alshabaab ma jirto kalsooni buuxda oo lagu qabo Saraakiisha qaar ee Ciidamada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE