Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya Oo Balan Qaad Muhiim Ah Ka Heshay Dowladda Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in uu ballanqaaday ka helay Shirkadda Diyaaradaha Turkish taasoo ka qeyb qaadan doonto tababaradda Shaqaalaha Wasaaradda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaddu ay ka caawin doonto dhanka qalabka, maadaama Wasaarado ay qorsheynayso soo wareejinta qalabka Hawadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulmay Madaxweynaha Horumarinta Bankiga Islaamka.

Waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo Wasaaradda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE