Yaa Muumaaulaayo Deegaanka Abiikarow, Halkeese Uu Kaga Yaala Gobolka Shabeelad Hoose (Xog)

Maalmahan waxa warbaahinta qaar lagu arkayaa warar kala duwan oo lagu sheegayo in Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga afrika ay qabsadeen deegaanka Abiikarow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Marka hore Aan Ku Baro Deegaanka Abiikarow

Deegaanka Abiikarow ayaa kunyaala Gobolka Shabeelada hoose, waxaana uu u dhaxeeyaa Shalambood iyo Kabtaan laas, waxa kaabiga ku haayaa isgoyska Kabtaanka eek ala bara wadooyinka Shalambood, Janaale iyo wadada aadda dhinaca Buulo mareer.

Abiikarow waa deegaanka kooban, waxaana degan dad qiyaas ahaan gaaraya ilaa 200 oo qoys oo intooda ah dad beeraaleey iyo muruq maalato kale, waana meelaha hodanka ku ah dalllag beeraha.

Deegaanka ayaa wuxuu saaranyahay wadaada laamiga, halka laga galo deegaankan waxa ku yaalla Geed weyn oo Soomaalida u taqaano Garmaqaate, oo ka mid ah geedaha waaweyn ee la hoos horsado oo aan laheyn wax qodxa ah.

Weli Ciidamada AMISOM ama kuwa dowladda deegaanka Abiikarow oo laamigiisa uu marin u yahay gudaha uma ay gelin marka laga reebo in wadada laamiga leysaga kala gudbo oo loo dhaafo Shalambood ama dhinaca Buulo mareer.

Sidoo kale Abiikarow marka dhinaca koonfur laga eego gaar ahaan wadada aada dhinaca Janaalw waxa dhabarka uu ka haayaa Beerata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan.

Waxaan filayaa in markaan aan ku siiyey qiyaas iyo tilmaamn kugu filan mase dhici kartaa in halkaas maanta lala wareego

Hadii deegaankan uu marin ahaa oo laamiga uu ku yaallo side maanta ay ku dhacdey in la sheego ianay la wareegeen Ciidamada dowladda, hadiiba ay sax tahay sheekada ah in alshabaab laga qabsadey Abiikarow.

Illo xog ogaal ah ayaa waxay noo sheegeen in maleeshiyaad kooban oo ka tirsan kuwa Shalambood oo wata laba Cabdibile ay isku dayeen in ay gudaha u galaan deegaanka hase ahaatee ay ka war heleen in koox kale oo Shabaab ah wadada dhinaceeda lagu diyaariyey taas oo sababtey in ay dib uga laabtaan.

Sidoo kale dad kala duwan oo aan la hadalnaya ayaa noo sheegay in ay ijirin awood xilligan Alshabaab deegaan kala wareegi karta, oo ku sugan Gobolka nShabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE