Ciidamada Xooga Oo Howlgal Ka Bilaaya Deegaanada Alshabaab Ay Kaga Suganyihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka aanu ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga degmada Mahadaay ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka wadaan howlgallo qorsheysan.

Howlgallada ayaa waxa ay sigaar ah uga socdaa inta u dhaxeeya Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab wadada u galaan Ciidamada Dowladda xiliyada ay ku socdaalayaan.

Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaaydhankooda waxa ay sheegeen in howlgaladaasi ay yihiin kuwo Amniga lagu xaqiijinayo isla markaana looga hortegayo weerarada Al-Shabaab.

Gobolka Shabeelada dhexe coouu ka jiro Maamul iyo Cidan mideysan ayaa xilliyada qaar waxa ak dhaca howlgal lagu baacsanaayo maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE