Deg Deg Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Oo La Magacaabay Iyo Wasiir Kale Oo Xilka Laga Xayuubiyey

Warqad u uaqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo maalmahana laga war sugaayey magacaabiddiisa.

Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre ayaa Xilka Wasiirka Gaashaandhiga u magacaabay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Sheekh oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka.

Sidoo kale Warqadda uu aqriyey Eng Yariisow Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in xilka laga qaadey Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Diinta iyo awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Iiman Abdullahi Ali.

Xilka laga qaadey Wasiirka Diint iyo awqaafta ayaa waxa si kumeel gaar ah usii haayn doona Wasiiru dowlaha Wasaaradda.

Waxa siidan ku banaan laba wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo xilkii ay iska casishay Drs Maryan Qaasim iyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta oo maanta xilka laga qaadey Wasiirkii xilkaasi haayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE