Gabar Yar Oo Aan Qaan Gaarin Oo Fal Kufsi Ah Loogu Geystey Magaalada Marka

Magaalada Marka ee  xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta waxa ka dhacay fal kufsi oo lagula kacay Gabar la sheegay in ay weli qaan gaarin taas oo da’deeda lagu qiyaasey 13 sano jir.

Falkan kufsiga ah ayaa ka dhacay dhinaca bari ee magaalada, waxaana ka dambeeeyey sida wararku sheegayaan ilaa lex wiil oo dhalin yara ah oo Gabadhan yar isaga dambeeyey.

Ehelada Gabadha dhibanaha ah ayaa sheegay in ay xaaladda Gabadhooda ay aad u liidato, iyada oo qabta dhaawacyo halis ah oo kasoo gaarey qeybta hoose ee taranka.

Goob caafimaad oo la geeyey markii dhibka uu haleelay ka dib ayaa Eheladu waxay tilmaameen in ay martey toliin ilaa lex qodob ah, waxaana taasi ay ku cadeeyeen nooc dhib ee Gabadhooda lasoo dersey.

Magaalada Marka qeybteeda Bari ayaa waxa xoog ku jooga Maleeshiyaad kasoo duulay Gobolada dhexe iyo Maleeshiyada kooxda Alshabaab oo heshiis ku ah in magaalada aanay yeelanin wax maamul ah iyo kala dambeyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE