Khasaare Dhimasho Ah Oo Ka Dhashay Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dagaalamay Magaalada Muqdsiho (Sawiro)

Wararka naga soo gaaraya isgooska sanca ee dhanka degmada yaaqshiid ayaa maanta waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan kuwa Xasilinta Caasimada Muqdisho,waxaa lagu soo waramayaa in kharaaso uu ka dhashay dagaalkaasi.

Inta la xaqiijiyay in labo askari oo ka tirsan kuwa dagaalamayay ayaa ku dhinta,inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah.

Goobjooge ku sugnaa goobta ay ku dagaalameen ciidamada kawada tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in mudo saacado ah ay dagaalamyeen labada ciidan ee kawada tirsan xasilinta caasimada muqdisho.

Waxaana la sheegay in labada qori laga qaatay labada askari ee ku dhintay dagaalka u dhexeeyay ciidamada Xasilinta caasimada ee Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in labadan ciidan ay ku dagaalamaan isgooska sanca ee magaalada muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE