Khilaafka Hogaanka Kooxda Alshabaab Oo Soo If Baxey Iyo Horjoogayaal Baxsad Ka Ah Gobolada Ay Ku Xooganyihiin (Xog)

Hogaanka Kooxda Alshabaab ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf sababay in ay kala shakiyaan, waxaana ay taasi keentay inay baxsadaan qaar ka mid ah horjoogayaasha.

Markii uu dhacay qaraxii Zoobe ee 14-kii bishii hore waxa tallaabadaas ka hor yimid shakhsiyaad ku jira Golaha Shuurada ee kooxda oo meel adag iska taagay weerarka lagu laayey dad kor u dhaafaya shan boqol oo qof oo aan waxba galabsan.

Horjoogayaal aan magacooda la shaacin ayaa hogaanka kooxda ku eedeeyey in uu qaadey tallaabo aan cidi lagala tashan taas oo sababtey in ay ku waayaan kooxda taageero shacab iyo mid dhaqaale.

Wargeys kasoo baxa dalka Kenya oo lagu magacaabo The Standard ayaa saacadihii lasoo dhaafay daabacey in horjoogayaal badan ay ka hor yimaadeen xukunka horjoogaha ugu sareeya kooxda ee Axmid Diiriye.

Sida Wargeyska uu daabacey waxa horey u jirey mad madow kooxda dhexdeeda ah oo salka ku haayey xukunada iyo tallaabooyinka qaar ee la qaado kuwaas oo aan loo eegin sharciga islaamka.

Waxa ugu waaweynaa oo leysku haayey waxa ka mid ahaa dilalka dadka lagu eedeeyo basaasiin iyo qaraxyada ay ku le’daan shacabka aan waxba galabsan, waxaana khilaafkan cusub meel sare geeyey markii lagu baraarugey weerarkii zoobe oo Maleeshiyada Shabaab ay ku laayeen Shacab Soomaaliyeed oo u badan Ardey iyo dhalin yaro kale.

Hogaamiyaha Kooxda Axmid Diiriye ayaa sida laga war helay bilaabay isaga oo adeegsanaayo kooxda sida gaadmada ah wax ku ugaasada ee Amniyaadka in uu beegsado qaar badan oo ka mid ah horjoogayaasha xukunkiisa ku hoos shaqeeya.

Waxa maalmihii lasoo dhaafaey jirey khilaaf saameyn yeeshay soo kala dhex galay awood labaad ee kooxda oo ay u badanyihiin ajaanib afrikaan oo uu hogaamiyo Nin Kenyaan ah oo lagu magacaabo Iimaan iyo hogaanka Soomaalida.

Khilaafkaas ayaa waxa uu salka ku haayey dilal loo geystey askar Keynaan ah oo kooxda ka barbar dagaalameysey, waxaana hogaamiyaha kooxda afrikaanka ah uu sheegay in la bartilmaameedsanaayo dhalin yarada kasoo jeeda dalka Kenya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE