Loolan Adag Oo Loogu Jiro Cidda Kusoo Bixi Laheyd Wasiirada Somaliland Oo Ka Socda Magaalada Hargeysa (Video)

Magaalada Hargeysa ee xarunta jamhuuriyadda Soomaaliya waxa siwayn looga dareemayaa loolan loogu Jiro dhinaca Xilalka ee la filayo inay kasoo dhex Muuqdaan Xukuumada Cusub.

Madaxweynaha la doortey ee Muuse Biixi ayaa Bilaabay Kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Xisbiga Kulmiye iyo Wasiiradii Xukuumadii Siilaanyo, Wuxuuna u sheegay inaysan ku Canaanan Hadii ay iska dhex waayaan Xukuumadda Cusub.

Hoteelada magaalada Hargeysa ayaa waxaa Buux dhaafiyey Madaxda dhaqanka iyo Ganacsato kuwaasi oo doonaya in dadka ay wataan ay kasoo dhex muuqdaan Xukuumada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE