Mid Ka Mid Ah Wariyeyaasha Ka Howlagala Deegaanada Puntland Oo Maanta Lagu Xirey Magaalada Boosaaso

Magaalada Bosaso ayaa lagu xiray Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) oo ka mid ahaa hawl wadeenada Telefishanka Somali Cable iyo weliba Wabseedka lagu magacaabo Horseed Media.

Cumar Dheere xilliga la xiraayey waxaa la socdey Suxufiyiin kale, xili ay ku sugaanaayeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Weriye Cumar Dheere ayaa sheegay in uu u xiran yahay gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo ayaa sheegay in waaran Maxkamadeed uu ka yaalo maxkamadda weriye Cumar Dheere sidaana lagu xiray. Weli Maamulka Puntand ma faah faahin wax lagu eedeeyey suxufiga.

Maaha markii ugu horeysay oo Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) la xiro, bishii Agoosto ee sanadkan ayaa sidan oo kale loogu xiray magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna Maxkamada Gobalka Nugaal siideysay kadib markii uu xabsiga ku jiray muddo lix maalmood ah oo la waayey cida uu u xiran yahay iyo sababta loo xiray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE