Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Shirey Xukunka Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Wasiir Cabaas (Sawiro)

Xildhibaano gaaraya ilaa 50 Mudane o ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa Xarunta Villa Soomaaliya kulan kula qaatey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mudanayaasha ayaa Madaxweynaha weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin sababaha hor taagan in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku xukuntey Gacan ku dhiiglihii dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Marxuum Cabaas Sheekh Siraaji.

Hadal kooban oo laga helay xildhibaanada qaar ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu bixin jawaab sax ah oo ku filan su’aalaha laga weydiiyey kiiska dilka Marxuum Cabaas.

Hase ahaatee si kooban ayuu madaxweynaha uu ku sheegay in uu ka war haayo Kiiskaas arintiisana meel fiican ay mareyso, islamarkaana uu ixtiraamayo xukunka ay ridey Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Gacan ku dhiigle Caydiid ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas uu ku yahay xukun suge, iyadoo ay soo baxayaan warara sheegaya in Madaxweynaha uu cafsi u fidiyey gacan ku dhiiglaha.

Dhinaca kale waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Madaxweynaha uu u saxiixi waayey xukunka Gacan ku dhiiglaha arimo la xiriira siyaasad iyo culeys kaga imaanaya beesha uu ka dhashay gacan ku dhiigle Caydiid.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE