Shacab Careysan Iyo Ciidamo Ku Dagaalamay Xaafadda Silliga Ee Demada Wadajir (Sawiro)

Xaafadda Silliga ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey duminta iyo jajabinta guryo ay degenaayeen dad Shacab ah.

Amar aan la ogeyn cidda bixisey ayaa lagu jajabiyey guryo badan oo ku yiilay Xaafadda Xilliga, waxaana si qasab ah guryahooda looga bixiyey tobanaan qoys oo qaarkood aan lagu war gelin hur burinta guryahooda.

Guryaha la burburiyey ayaa ku yaalla wada lagu magacaabo Cakaaro, iyadoo shacabka loo sheegay in wadada hareeraheeda la baneenayo, taas ayaana keentey in xaafado badan la geliyo cagaf cagaf.

Shacab careysan ayaa saake ku baxey Ciidamo Boliis ah oo wadey howlaha buruburinta, waxaana ay markii dambe gacmaha isla tagey Shacabka iyo Ciidamada amaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay dhaawaceen qaar ka mid ah dadkii ku baxey, iyadoo markii dambe Ciidamada ay ka baxeen goobihii shaqada burburinta ay ka wadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE