Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Uu Haysto Hadalkii Qamaan Bulxankii Waynaa! W/Q Yuusuf Omar

Aduunka nin kii nooli oo leh garasho waxa uu arkayaa dhacdooyin kala duwan oo wax laga barto.Maamulka koon fur galbeed oo curdanka ah waxaa hogaanka u haya Madaxwayne shariif. waa dhul wayn oo barwaaqo ah,maal iyo dadna kuma yara maanshaa allaah waa buuxaa.waxaa dad waynihii dagaankaan iska lahaa ay kari waayeen inay dhulkooda ku dhex safraan oo isaga kala gooshaa?

Waxaa jira amaan daro iyo cabsi.wiilal yar yaroo afka duuban oo hubkoodu yahay bastoolad iyo qori aake ah ayaa u diiday nolol iyo nabad.waxaa wiilashaa yar yar taageeraya beesha mogdisho oo isugu jira kuwii kasoo hayaamay iyagoo dhul boob doon ah gobolada mudug iyo galgaduud iyo kuwii loo yaqiinay XAMAR DAYE. kooxdan dan leeyda ah ee iskaa shatay waxay ku habsadeen oo la wareegeen deegaankii gobolka shabeelada hoose oo dhan iyo dhul beereedkii. waxay ka dhigeen dhulkii sidii cadaankii yurub ka qaxay oo ku habsaday dhulka ameerika ee hindida cas laga xoogay. hadee waa yaab in soomaali dhexdeed shaati laysu soo gashado oo sheekadii ameerika la keeno.

Waan soo dhawaynayaa in dadkayga soomaaliyeed kuwada noolaadaan nabad iyo nolol laakiin waa goorma`? waa goortii nin walbaa gurigiisii tago oo nin walbaa looga baxo dagaankiisa si buuxda oo aan qofna ku harin.sababtoo ah xaqaa sidaa ah mida kale dhulka soomaaliya waa dhul wayn oo beel iyo cid maanta dhul la aan ah majirto.waxaa haboon in laysu garaabo oo xaqa la abaaro ileen xoog shaqayn maayo ee.

Waxaa hadaba cadaatay in madaxda sare ee koonfur galbeed ay sugayso in MOGDISHO u xorayso dhulkooda oo jidka u furaan shacabka koonfur galbeed iyo in magaaladooda caasimada u ah ee BARAAWE loo xoreeyo si ay udagaan ileen waa laga haystaa hada oo kuma shaqayn karaane.hada kahor ayaa nin Gabayaa wayn ah oo soomaalidu aad u taqaan oo ku noolaa gobolka soomaali galbeed oo la oran jiray QAMAAN BULXAN oo noolaa qarnigii 19 sagaal iyo tobnaad. Ayaa waxa uu arkay rag qaraabadiisa ah oo isku sheegay in ay isaga garab u yihiin oo caawinayaan,arimo xiligaa haystayna ay ku garab istaagayaan hiil iyo hooba.Maadaama uu ahaa nin xikmad leh iyo garasho xeel dheer oo kasmo fiican,waxa uu gartay in ragani aysan ahayn waxa ay sheeganayaan daacadna ahayn.markaa waxa uu tiriyay gabay taariikhda galay oo weedh kamid ahi ahayd sidan.

QAMAAN WAXA UU YIRI

“BAADIDABA NIN BAA KULA DOONIYOO DAALA KAA BADAN

AAN DOO NAHAY IN AAD HESHAA DAA IN ABIDKAAYE

DADKUNA MOODI DUUL WADA DHASHOO AAN WAX U DAH SOO NAYNE

DAWO MALHA AAKHIRO HADII LOO KITAAB DAYAY EE EE EEE.”

Macnaha oo dhan ayaa ah qof isaga kaa dhigaya in kula duuban yahay oo daacad kuu yahay oo jecel yahay hormarkaaga iyo inaad guulaysato,hadan waxaas oo dhan aysan run ka ahayn iyo niyad ee uu doonayo in aad hoogto ood halaagsanto oo waxba kuu hagaagin,kan waxaa la yiraahdaa MUNAAFAQ waana ehelka jaxiima ama naarta waliba gaalka ayuu uga sii hoosaayaa xaga naarta oo gaalkaa darajo dhaama.

waxaan u jeedaa koonfurgalbeed waxay kaalmo waydiisanaysaa kii haystay beeraha iyo dagaankeeda isagoo marna afka u duuban yahay marna tuute dawladeed xiran!! Mogdishaa leh anaa ku xorayn!!! sheekadii qamaan ayaa haysata koonfur galbeed. hadaba waxaa xal ah inay isku tashadaan iyagu isxoreeyaan waana isku filan yihiin koonfur galbeed ahaan.

Madaxwayne shariif waan u turayaa dad fiican oo culimo diineed ah ayuu kasoo jeeda iyo shariif ama aasharaaf hadana waa madaxwayne oo in la ixtiraamo oo la xurmooyo waa waa jib,laakiin waxaan lee yahay shariifka isga hala daayo balse hakala saaro ganaacsigiisa nimankaa dhuldoonka ah uu laleeyahay iyo danaha koonfurgalbeed.haka shaqeeyo danta koonfur galbeed.markaa koonfur galbeed waa bad baadee shariifna waa bad baadaa kadibna soomaali oo dhan ayay dan u tahay koonfur galbeed oo nabad iyo nolol haysata.

Waxay ilatahay in soomaalidu hada joogto xiligii ay isu tanaasuli lahaayeen oo garan lahaayeen in la bad baadiyo diinta dalka iyo dadka soomaaliyeed. in la joogo xiligii taageero buuxda oo aan hagar lahayn la siin lahaa dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed oo dalka oo dhan hanata.waxaan umada soomaaliyeed illaahay uga baryayaa inay helaan amaan iyo xasilooni iyo dawlad buuxda oo shaqaysa guud ahaan dalkeena iyo dadkeena oo usoo noqda diinta ay katageen si ay ukala gartaan maxaa xalaal ah maxaase xaaran ah?

W/Q Yuusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE