Dhageyso Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug “Shirka Jabuuti Waa Siminaar, Hadii Ay Qodobo Kasoo Baxaanna Ma Aqoonsanin”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu ka hadlay Shirka dalka Jabuuti uga furmaya Madaxda Maamulka Ahlu sunnah iyo Galmudug.

Waxa uu ku sheegay shirkaas in uu yahay Siminaar ay isku arkaayaan labada dhinaca hae ahaateeaanu aheyn Wadahal laga sugaayo inay qodobo kasoo baxaan, waxaan dhanaca kale uu sheegay in Madaxda dowladda fedaraalka iyo Urur Goboleedka IGAD ee Shirka soo abaabulay ay ka wada hadleen arimahan.

Shirkii ka dhacay magaalada Nayroobi ee uu goob joog ka ahaa Urur Goboleedka IGAD ayuu ku sheegay min aan laga soo saarin wax qodobo ah, isla shirkaas ayuu ku tilmaamay mid leysku araakaayey oo Siminaar ahaa.

Hada Shirka lagu wado in uu ka furmo Jabuuti ayaa Gudoomiye Cali Gacal Casir uu ku sheegay mid aan laga sugeyn inay kasoo baxaan wax qodobo ah, waxaana gaashaanka uu ku dhuftey inay aqoonsadaan qodobada kasoo baxa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE