Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lagu Wado In Uu Ka Qeyb Galo Caleema Saarka Madaxweynaha Dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogamainaayo ayaa waxa lagu wadaa inay u dhoofaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo maanta gelinka dambe ka duuli doona magaalada Muqdisho ayaa sida wararka ay sheegayaan ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha mar kale dib loo doortey ee dalka Kenya Uhuro Kenyatta.

Caleema saarka Madaxweyne Uhuru ayaa waxa ka qeyb galaya madax kala duwan oo ka socota wadamada caalamka ee xiriirka wanaagsan la leh dalkaasi.

Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo wadamada qaar ee casuumadda loo fidiyey ay soo dirsan doonaan Wasiiro, Madaxweyne ku xigeenayaal iyo xubno kale oo matala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE