Maleeshiyada Alshabaab Oo Si Daran U Dilay Nin Xoolo Ku Dhaqanaayey Deegaanka Ceelwareegow

Maleeshiyada arxan laabayaasha ah ee Kooxda Alshabaab ayaa habeenkii xalay dil si aad ah looga argagaxay ka geystey meel duleedka ka xiga deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida Wararka aan ku heleyno Maleeshiyaad Shabaab ah ayaa Ninkan la sheegay in ay toogteen xilli uu ku jirey Salaadda Marbib, waxaana gadaal ee dhabarka iyo madaxa ay kaga soo dhufteen dhowr Xabadood.

Goob joogayaal ayaa sheegay Ninkan oo ahaa Nin da’ah uu la jirey Geel daaqaayey halka lagu toogan doono oo ku taala dhinaca Bari ee deegaanka Ceelwagow, halkaas oo xilliyada Maqribkii lagu meericiyo Geella.

Maleeshiyaad ayaa horey u qunsadey (watey) Geel goobta lagu ilaalinaayey oo gaarayey ilaa 50 Neef, hase ahaatee amrkii dambe ayaa waxa ku baxay wadada Geelka lagu qunsadey dad deegaanka ah oo hubeysan, oo markii dambe ku guuley inay soo celiyaan qaar ka mid ah xoolaha la dhacay.

Ehelada ayaa Meydka Marxuumka saake aroortii keenay Magaalada Marka oo isla maanta lagu aasey.

Dhaqan xumida iyo arxan la’aanta Maleeshiuada Shabaab ayaa saameeyn xun ku yeelatey deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE