Maleeshiyadii Ku Dagaalamay Suuqa Magaalada Gaalkacyo Oo La Kala Qaadey Iyo Dhaq Dhaqaaqa Suuqa Oo Dib Usoo Laabtey (Sawiro)

Waxaa Goor-dhaweyd Si Caadi ah ku soo laabtay Ganacsigii Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo muddo 4 berri ah xirnaa.

Wada-hadalo saacadihii ugu dambeeyay ay lahaayeen Maamulka, Waxgaradka iyo Ganacsatada puntland iyo Galmudug, ayaa la isku afgartay in la furo goobaha ganacsiga, lana kala qaado Maleeshiyaadkii isku hor fadhiyay suuqa iyo Ciidihii lagu xiray wadooyinka soo gala suuqa.

Masuuliyiinta Degmada iyo Gobolka ee dhinacyada Puntland iyo Galmudug, ayaa intaasi ka dib qaaday dhufeysyo ay kala sameysteen ciidamadii dhawaan ku dagaalamay suuqa.

 Gudoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi Cartan iyo Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu furan yahay suuqa islamarkana la kala qaaday ciidamadii isku horfdhiyay suuqa Galkacyo iyagoona ugu dambeynti ka codsay shacabka reer Gaalkacyo in ay ka shaqeyaan nabadda iyo xasiloonida.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE