Mowqifkii Xasan Sheekh Ee Dowladda Dhexe Oo Isbedelay Iyo Dowladaha Imaaraadka Iyo Turkiga Oo Ku Loolamaya Cidda Sii Haayn Laheyd Hogaanka Dalka (Warbixin)

Dowladda Soomaaliya ayaa la kulmeysa mucaaraddo xoog leh oo kaga imaanaya siyaasiyiin xil doon ah iyo dowlado shisheeye oo doonaya inay miisaan ku yeeshaan siyaasadda dalka.

Rag Siyaasiyiin ah oo ay adeegsanayaan dowlado shisheeye ayaa wada mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana Mooshinkan diyaarainaya Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka fedaraalka.

Dowladda Imaaraadka oo wakiil uu ka yahay Cumar C.rashiid ayaa wada sidii ay awoodda dalka uga tuuri laheyd Madaxweyne Farmaajo, waxaana howshan dhaqaale badan lagu siinayaan Xildhibaano dhaqaale doon ah oo aan waxba ka gelin jirtaanka qaranka Soomaaliyeed.

Arimaha hadda soo if baxey oo heerar kala duwan soo marey ayaa markii hore waxa Miisaan culus ku lahaa Xildhibaano ka kala tirsan Xisbiga Daljir iyo Kooxdii qabyo oo looga itaal roonaadey doorashadii dhacdey bishii Febraayo ee sanadkan.

Dowrka Imaaraadka iyo siyaasiyiinta xil iyo dhaqaale doonka ah ayaa waxa ka hor yimid dowladda Turkiga oo si weyn u garab istaagtey dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya, dowladda Turkiga ayaa loolanka Imaaraadka mid ka duwan ciyaareysa.

Sida lagu helaayo warbxin Madaxda dalka Turkiga ayaa kulamo magaalada Ankara kula qaatey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si looga dhaadhiciyo taageeridda dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Door kaasi la mid ah ayaa waxaa qaatey Xildhibaanada Xisbiga daljir oo markan u muuqda inay kasoo horjeedaan mucaaradka dowladda Farmaajo, iyadoo howshan cusub ay ku kala qeybsameen siyaasiyiin markii hore isu arkay inay hal dhinaca kasoo jeedaa.

Xildhibaanada kooxdii qabyo ee Xasan Sheekh ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Ankara ku falanqeeyey arimaha dowladda Imaaraadka iyo waxa kaga aadaan inay qaataan, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kooxda qabyo ay laba u qeybsameen.

Rag uu ka mid yahay Mahad Salaad ayaa qaatey go’aan ah in dowladda Farmaajo xilka laga tuuro halka inta badan kooxda qabyo ay arinkaas ka hor yimaadeen, Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kooxdiisa ku qanciyey inay is garab taagaan dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale Axmed Macallin Fiqi iyo xubno kale oo aad uga soo horjeeday ayaa warar si hoose loo helay ay sheegayaan inay doonayaan inay sii jirto dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah in xilka laga tuuro Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, inta u dhiman waqtigiisana uu dhameystiro Cumar Cabdirashiid halka la diyaariyey in Ra’iisalwasaaraha dalka uu noqdo C.raxmaan Cabdishakuur.

Dowladda Turkiga ayaa soo jeedisey in lala shaqeeyo dowladda hada jirta si aan dalka loo gelinin qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac kale, laakiin waxa ay dowladda Turkiga ay taageertey in isbedel lagu sameeyo xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE