Wadahadalka Galmudug Iyo Ahlu Sunnah Oo Ka Furmay Magaalada Jabuuti Ee Dalka Jabuuti (Sawiro)

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxa ka furmay maanta wada hadal u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada dhexe ee ahlu sunnah oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Shirka maanta furmay ayaa waxa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, iyadoo horey ay usoo dhaceen shirar iyo is arag kale oo labada dhinac ku dhex marey magaalada Nayroobe ee dalka Kenya.

Waxa shirkan uu noqonayaan mid labad dhinac ay isku soo hor fadhiisteen oo ay ka wada hadlayaan waxyaalaha hor yaalao. iyadoo laga yaabo in Maamulka Gobolada dhexe ay la yimaadaan shuruudo adag oo ay ku xiraan ku biirista Maamulka fadhigiisu yahay magaalada Cadaado.

Shirka furmay dhinaca Galmudug waxa ka qeyb galaya Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa halka wada hadalka uu ka hor yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE