Ciidamada Amaanka Oo Howlgal Gaar Ah Kusoo Qabtey Maleeshiyaad Shabaab Ah Iyo Hub Ay Isticmaalayeen (Sawiro)

Howlgalka  xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa si gaara ah waxa u fuliyey Ciidamo amaanka gaar ahaan kuwa Boliiska.

Ciidamada oo ku socday goobo gaar ah oo Bartilmaameed u ahaa ayaa waxa lagu tuhunsanaa in ay ku dhuumaaleystaan Maleeshiyaad ka tirsan Aragagxisada Al shabaab iyo goobo kale oo iyana la tuhmayay inay ku keedsadeen walxo lagu qal qal gelinaayey amniga Caasimadda.

Sida laamaha amaanka ay soo bandhigeen howlgalkan ayaa waxa lagu soo qabtey dhalinyaradii la tuhunsanaa inay ka tirsanyihiin maleeshiyada kooxda Alshabaab iyo hub qarsanaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE