Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Qoryooley Iyo Deegaano Badan Oo Lagala Wareegay Maleeshiyada Kooxda Alshabaab

Wararka ka imanaay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in maanta weerar culus lagu qaadey qaar ka mid ah deeganaada hoos yimaada.

Wararka aan heleyno ayaa tilmamaaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dagaal culus ay la galeen maleeshiyaad ka tirsanm kooxda Alshabaab oo ku sugnaa deegaano dhowr ah oo Qoryoole hoos yimaada.

Dagaalka culus ayaa sida la sheegayo ka dhacay deegaanka Haduuman, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dagaalkaas Alshabaab lagu gaarsiiyey khasaare culus oo markii dambe ku qasbey inay dib u garasho sameeyaan.

Sida wararka sheegayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dagaal ku qabsadey deegaanada kala ah Haduuman, Buula shiiq, Gaaywarow iyo kuwo kale oo dhamaantood xoog ay ku joogeen maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE