Dhageyso Dowladdaha Soomaaliya Iyo Qadar Oo Kala Saxiixdey Heshiis Lagu Qarash Gareen Doono Lacag Aad U Badan

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis Horumarineed oo ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar.

Heshiiska labada Dowladood kala saxiixdeen ayaa ah kuwa lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Soomaaliya, waxaana mashaariicdaasi maal galineysa Dowlada Qadar.

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn uga mahad celisay Dowlada Qadar Mashaariicda Horumarineed ee Soomaaliya ka fulineyso, waxa ayna Dowlada balan qaaday in Mashaariicdan looga faa’iiden doono Bulshada Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE