Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo War Kasoo Saartey Doorashadii Uu Kusoo Baxay Muuse Biixi Cabdi (Video)

Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan kasoo saartay Doorashadii uu kusoo baxay Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay inaysan Jirin wax Cabasho ah oo lasoo gaarsiiyey, Taasi oo ku saabsan Doorashadii dhacday 13-kii bishan, Wuxuuna sheegay inay Maxkmadu Ansixisay Doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhawaan ayaa la filayaa in Xilka si rasmiya loogu dhaariyo Muuse Biixi, Islamarkaana uu Xilka kala wareego Madaxwaynihii Hore.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE